La xariir Waaxda Shaqada iyo Warshadaha Gobolka Washington (Washington State Department of Labor & Industries) si aad u heshid macluumaad ku saabsan barnaamijyada iyo adeegyada wakaaladda oo ku qoran luqadaada, telefoonka 1-800-547-8367.
Kaddib marka aad soo gashid telefoonka, fadlan sug in yar inta aan ka wacayno turjubaan na kaalmeeya. Waxaad in badan ka ogaan kartaa barnaamijyadena iyo adeegyadena ku qoran hoos iyo waxaad heli kartaa warqadaha la tarjumay. Adeegaan waa lacag la'aan.
Aan ogaano haddii laguu diiday tarjamo kugu filan ama adeegyada tarjamada qoran, ama haddii aad qabtid arrimo ku saabsan adeegga macaamilka, ashtakooyin ama su'aalo.
Shaqaalaha iyo Warshadaha (Labor & Industries) KAMA tirsana Adeegga Socdaalka iyo Qaadashada Dhalashada (Immigration and Naturalization Service). Dawladda federaalka ama madaxda boliiska deegaanka uma sheegi dooni shaqaalaha aan haysanin warqado - waa danta aan leenahay in aan hubino in shaqaalaha la siiyo goob amaan ah oo laga shaqeeyo, mushaar ku habboon, iyo ceymiska caafimaadka haddii ay dhaawacmaan.
Shaqaalahena waxay kugu kaalmeyn karaan in aad fahamtid:
Haddii aad tahay dhibane loo geystay dambiga dagaal, waxaa dhici karto in aad kaalmo ka heshid Barnaamijka Magta Dhibanaha Dambiga (Crime Victims Compensation Program). Fadlan wac 1-800-762-3716 kaddibna sug in yar inta aan ka wacayno turjubaan na kaalmeeya.
Xeerka VI ee Xeerka Xuquuqda Madaniga wuxuu mamnuucayaa takoorida ku saleysan jinsi, midab, ama asal qarameed ee barnaamij kasta ama hawl kasta oo hesha lacagaha Federaalka ama gargaarka kale ee Federaalka. Haddii aad codsatay oo aadan helin adeegyada luqadda aad door bidayso, ama aad dareensantahay Waaxda Shaqaalaha iyo Warshadaha inay kugu takooreen, fadlan la xiriir Civil Rights Complaint Hotline (Khadka Xuquuqda Madaniga) ee L&I ee 1-855-682-0778. Xulashada kale ee fayl- gareynaya cabashada takoorka waxaa ka mid ah la xiriirida: Washington State Office of the Attorney General (Xafiiska Gobolka Washington ee Xeer Ilaaliyaha Guud) (Taleefan: 1-800-551-4636), Washington State Human Rights Commission (Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Gobolka Washington) (Taleefanka: 1-800-233-3247), The U.S. Department of Labor (Waaxda Mareykanka Shaqada) (Taleefanka: 1-202-693-6500) iyo Department of Justice (Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka) (Taleefan: 1-855-856-1247).
© Washington State Dept. of Labor & Industries. Use of this site is subject to the laws of the state of Washington.