Ku saabsan Adam

ANIGA IGU SAABSAN

Xildhibaan Adam Smith

Kongareeska Degmada 9aad, Washington

Xildhibaan Adam Smith Haddaba waxaa u socota muddadii 10-aad, Xildhibaan Smith waa xubin sare ee Golaha Wakiilada oo waxa uu qayb ka yahay kooxda hoggaanka dimoqradiga ah. Degmadiisu waxay u dhaxeeysa degmooyin kala duwan oo Koonfurta Seattle ilaa iyo dekedda cammiran ee Tacoma, oo ay ku jirto magaalada Bellevue, oo xarunta u ah hal-abuurka farsamada sare. Intii uu joogay Golaha Kongresska, Xildhibaan Smith ayaa u diriray arimo muhiim ah dadka deegaanka uu matalo ee degmada 9aad.

Hadda xilligiisa 10aad, Adam waxa uu hada xubin Sare ka yahay Guddiga Aqalka ee Adeegyada Ciidamada Qalabka Sida, halkaas oo uu ka yahay u doode xooggan oo arrimaha shaqaalaha ciidankeena iyo qoysaskooda. Waxaa sidoo kale ka go'an inuu siiyo ciidankeena qalabka ugu wanaagsan ee la heli karo si ay u fuliyaan hawlahooda hadda iyo kuwa mustaqbalka isagoo isla markaasna hubsanay inuu Pentagon u isticmaalo lacagta canshuur bixiyayaasha habka ugu hufan ee ugu waxku-oolka badan. Marka la eego hawlahiisa guddiga ee hadda iyo kuwii hore iyo waayo aragnimadiisa balaaran ee safarada, Xildhibaan Smith waxa uu leeyahay aqoon sare oo ah arrimaha maanta hortaagan amniga qaranka ee dhammaan Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dagaalka Afghanistan, iyo sidoo kale Waqooyiga Afrika iyo dadaalkeena weyn ee aanu ugu jirno joojinta fiditaanka kooxaha xagjirka ah iyo fikradahooda dunida dacaladeeda.

Isagoo fahamsan baahida loo qabo habka guud ee ammaanka qaranka, Xildhibaan Smith waxa uu aqoonsaday muhiimadda ay leedahay in la yareeyo saboolnimada, helitaanka waxbarasho, suuqyada caalamka ee waara, hawlgalada diblomaasiyadeed, maamul-wanaagga iyo tallaabooyinka kale si awood loogu helo degganaanteena beesha caalamka. Waxa uu taageeray dadaallada lagu doonayo in dib loogu habeeyo kaalmada shisheeye ee Amerika, soo bandhigay sharciyo wax looga qabto saboolnimada caalamka, iyo la sameeyay Guddida kongareeska ee Kaalmada Wax-kuoolka ee Dibadda (CCEFA) Xildhibaan Ander Crenshaw.

KALA XIRIIRKA

Anigu waxaan qiimeeyaa dhammaan talooyinka dadka degan Degmada 9 kongareeska ee Washington. Anigu waxaan halkaan u jooga inaan ku adeego, iyo sido kale shaqaalahaygana. Hoos fadlan ka eeg menu-ga ugu fiican ee aad kula soo xariiri karto aniga ama xafiisyadeeyda.